Aragti Baarlamaanka Warar 

Ahlu-sunna oo Beesha Caalamka u dirtay magacyada xildhibaanno uga mid noqota Baarlamaanka Galmudug

Maamulka Al-sunna Wel-Jamaaca ee ka jira dowlad goboleedka Galmudug ayaa shalay shaaciyay liiska 20 xildhibaan oo ay doonayaa in ay uga mid noqdaan Baarlamaanka cusub ee maamulkaasi uu yeelan doonno.

Ahlusuna ayaa warqadda ay ku qoranyihiin liiska magacyada waxaa ay u gudbisay Beesha Caalamka, oo qeyb ka ahaa heshiiskii dhawaan ay wada galeen wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka Ahlusuna.

Hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in qoondada qaar ee ay ku salleeyeen kuraasta Xildhibaanada ay cabaqo keeni karaan marka loo eego sida ay beelaha ugu soo kala xusheen.

Guddiga Farsamada iyo Maamul Dhisidda Galmudug, ayaan wali ka hadlin liiska, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay ka hadli donaan. Wali waxaa socota soo xulista xildhibaannada.

Dowladda Federaalka iyo Ahlusuna ayaa dhowaan ku heshiiyay in 20- Xildhibaan oo ka mid ah 89-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug la siiyo Ahlusuna.

Warar kale oo la xiriira