Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa xalay hoygiisa ku casuumay safiirka dalka Turkey mudane Mehmet Yilmaz.

Safiirka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, Gudoomiyaha ayaa uga mahad celiyey dowlada Turkiga kaalmada iyo garab istaaga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa dhiseysay xarunta Baarlamaanka ee Aqalka Hoose, iyadoona horay ugu diyaarisay xarun KMG ah oo uu Baarlamaanka kusii shiro.

Intii kulanka uu socday ayaa waxaa ay sidoo kale ka wada hadleen, in dowladda Turkiga ay sii ballaariso taageerada ay siiso dalka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira