Aragti Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka oo ansixiyay sharciga doorashooyinka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kulankoodii caadiga ahaa kaas oo ajandihiisu ahaa  sii-wadida dooda Akhrinta Saddexaad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka soomaliya oo dhawaan Xildhibaanada loo qeybiyay.

Shirka waxaa shir guddoominayay gudoomiyaha golaha shacabka maxamed mursal sheekh craxmaan iyadadoona ugu dambayn Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ansixiyeen  Sharciga doorashooyinka Qaranka oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka lahaayeen dood adag.

Shirka maanta la ansixiyay ayaa waxaa oggolaatay oo Haa ugu codeysay 171 xildhibaan.

“Sharciga Doorashooyinka Qaranka waxaa ogol u codeeyay (Haa) 171 waxaa diiday 5 Xildhibaan, waxaana ka aamustay labo Xildhibaan, sidaas ayuuna ansax ku yahay” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sharciga Doorashooyinka ayaa Baarlamaanka waxaa uu horay usoo marsiiyay akhrinta 1-aad iyo 2aad, waxaana maanta ay sharcigaasi marsiiyeen akhrintii ugu dambeeysay.

Warar kale oo la xiriira