Aragti Baarlamaanka Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo si-wada-jir ah u meel-mariyay miisaaniyadda 2020

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kalfadhiga 6-aad ee kulanka wadajirka ah, fadhigaasi oo ay soo xaadireen 191-Xildhibaan.

Kalfadhiga 6-aad ee maanta ayaa ajendihiisu ahaa Akhrinta 3-aad ee warbixinta guddiga ee Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2020-ka.

Xoghayaha Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la Xisaabtanka Hay’adaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Hassan Jamhuuriya, ayaa Xildhibaanadda u faah faahiyay Warbixinta guddiga ee Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2020-ka.

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa intaasi kaddib bilaabay in ay u codeyaan miisaaniyadda sanadkan 2020, waxaa codka haa ku oggolaatay 188-Xildhibaan, 1-Xildhibaan ayaa diiday sidoo kalena 2-Xildhibaan ayaa ka aamustay, sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay.

Miisaaniyadda la ansixiyay ayaa waxaa ay dhantahay $476,150,902 (Afar boqol todobaatan iyo lix milyan, boqol iyokonton kun,sagaal boqol iyo laba doolar), taas oo ay horay usoo ansixiyeen golaha wasiiradda ee xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo sidoo kale Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa Xildhibaanadda uga mahad celiyay Ansixinta miisaaniyad sanadeedka 2020.

Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan oo tira ahaan la’eg $476,150,902 waxaa ka muuqda koror dhan 76-Million oo doolar marka loo eego miisaaniyadii sanadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka, waxaa kale oo miisaaniyadan ka muuqata in ay ku koobantahay Kharashaadka adeega maamulka iyo difaaca Qaranka taasoo loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah qadar dhan $369,751,045 una dhiganta 77.7%, Arrimaha Bulshada oo loo qoondeeyay 64,450,722 una dhiganta 13.5% halka haraaga oo dhan $41,949,135 oo u dhiganta 8.8% qoondada miisaaniyadda 2020-ka loogu talo galay Hay’adaha dhaqaalaha.

 

Warar kale oo la xiriira