Aragti Baarlamaanka Warar 

Aqalka Sare oo ka dooday Hindise-sharciyeedka Dooroshooyinka Qaranka ee heer Federaal

Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulankooda 33aad ee kalfadhiga 6-aad isugu yimid ayaa waxaa ay ka doodeen Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed iyo Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Dooroshooyinka Qaranka ee heer Federaal. Koram kulanka ayaa ahaa 30 senator waxaana Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Sebatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Intaasi kaddib mudanayaasha ayaa guda gallay Ajendaha 2aad ayada oo uu Guddoomiyaha Guddiga KMG ee ka baaraandeggidda Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal ee Golaha Aqalka Sare-BFS uu ka hor akhriyay warbixinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Algeria

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Dalka Burkina Faso ayaa Caasimadda dalkan waxa uu kulan kula qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Algeria oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidoo kale iskaashiga Baarlamaanada labada wadan. Sidoo kale labada Guddoomiye ayaa isku afgartay sidii xiriir khibrad isweydaarsi ah u sameysan lahaayeen. Kaddib shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen kulankooda kaddib, ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Algeria Suleymaan shaneyn waxa faah faahiyay waxa ay isku afgarteen. Sidoo…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka Galmudug oo dhageysanaya khudbadaha musharaxiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeennada

Kalfadhiga Baarlamaanka Galmudug oo uu shir-guddoominayo Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal, ayaa maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka, iyadoona maanta uu kooramka ku furmay 72 xildhibaan. Xildhibaannada ayaa maanta dhageysanaya khudbadaha musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeennada maamul-gobolleedka Galmudug. Guddiga doorashada ee maamulka, ayaa sheegay in jadwalka doorashada ay tahay maalinta berri ah  oo taariikhda kubeegan tahay  30 bisha January. Halkaan Hoose ka Akhriso magacyada Musharaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenkiisa Galmudug ee khudbadaha jeedinaya. 1) Axmed Shire Maxamed 2) C/laahi Axmed Samatar 3) C/raxmaan Aadan Sabriye 4) Axmed Cabdi Kaariye…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka xog-hayayaasha Guud ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka

Magaaladda Ouagadougou (Waakadhugu) ee Caasimadda Dalka Burkina Faso waxaa shalay ka dhacay Shirka Xog-hayayaasha guud ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka. Kulanka waxaa uu hor-udhac u ahaa kalfadhiga 15-aad ee guddoomiyaasha Baarlamaanka ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka, kaas oo dhawaan ka dhici doono magaaladda Ouagadougou. Xog-hayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo Soomaaliya shirkan ku matalayay, sidoo kalenna ka qeyb ah wafdiga Guddoomiyaha Golaha shacabka ee maalmahan jooga dalkan Burkina Faso ayaa sheegay in shirkan looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay ama ka hir-galay qodobadii shirarkii horey u dhacay…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb-gallay kulan lagu qabtay dalka Burkiina Faso

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan magaalada Ouagadougou ee Caasimadda Dalka Burkiina Faso, ayaa ka qeyb-gallay kulan casho sharaf ah oo loo sameeyay xubnaha shirka ka qeyb galaya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxda kale ayaa dalkaasi u jooga ka qeyb-galka kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Purkina Faso. intii ay socotay casha-sharafta, waxaa goobta lagu soo bandhigay cayaaraha Hidaha iyo dhaqanka ee Dalkan Burkina Faso. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Burkiinafaso

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan magaalada Ouagadougou ee Caasimadda Dalka Burkiina Faso ayaa waxaa uu la kulmey dhiggiisa dalkaas Alassane Baka Sadandé. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dhigiisa Dalka Purkina Faso Alassane Baka Sadandé ayaa si wadajir ah u sheegeen inay ka qeyb geli doonaan kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Purkina Faso, sidoo kalena shirkan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay. Gudomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Purkina faso ALassane Bake sakande ayaa dhankiisa…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo 

Aqalka Sare oo akhrinta 1-aad marsiiyay hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Sabtidii shalay yeeshay kulakii 32-aad ee Kalfadhiga 6-aad, ayaa akhrinta 1-aad marsiiyay hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi, iyadoona uu wehlinayay Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Seentar Abshir Maxamed Axmed . Wasiirka Wasaarada gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin la socday ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare ee BFS si ay wasaaradda uga hor akhriso warbixinta akhrinta 1aad hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka. Intaasi kaddib, Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo shuruud ku xiray ka qeyb-galka doorashada

Afar musharax oo kamid ah kuwa u taagan doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa war murtiyeed ay soo saareen waxaa ay kaga hadleen hannaanka doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo sida ay suurta gal ku noqon karto inay ka qeyb galaan. Musharaxiinta oo kala ah C/raxmaan Odawaa, C/llaahi Wehliye, Kamaal Gutaale iyo Cabdi Dheere ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galka doorashada, waxaana ay ku baaqeen in la iska kaashado sidii Galmudug uga dhici laheyd hal doorasho, iyadoo loo howlgalayo in la xaliyo khilaafyada iyo is mari waaga wajiyada kala duwan leh.   Musharaxiinta,…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo wakiiladda Beesha Caalamka oo ka hadlay Doorashada 2020-2021

Kulankan ay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS iyo Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Aqalka Sare ayaa kulan Wadajir ah waxa ay la yeesheen safiirada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya ,   Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay Doorashada 2020-2021 la filayo in ay qabsoonto qaabka ay u dhacayso , Ansixinta Hindise sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka oo haatan horyaala Golaha Aqalka sare , in loo baahan yahay dib u heshiisiin si Dadka Soomaaliyeed oo mid ah ay u dareeraan doorasho.   Dhinaca kale Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga QM ee cuna-qabateynta hubka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada Dowladdu ay ka xoreysay argagixisada Alshabaab, qorshaha dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada. Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran dalkeenna, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan…

Akhriso Faahfaahinta