Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddiga Duulista Rayidka “Mag-dhowga howllaha baadi-goobka iyo samatabixinta, waxaa bixinaya shirkadda la bad-baadinayo”

Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa ansixiyay Sharciga duulista rayidka ee hawada, kaas oo doodiisa iyo wax-kabedelkiisa ay soo socotay maal-mihii lasoo dhaafay.

Sharciga ayaa waxaa Haa ku ogolaatay 140 Xildhibaan hal xildhibaan ayaa diiday sidoo kale hal xildhibaan ayaa ka aamusay. Sharciga waxaa uu ka hadlayaa dhinacyo badan oo ay ku jirto dhinaca maaliyada iyo baaritaanka, waxaana uu leeyahay “Hanti-dhowraha guud ee Qaranka waxaa uu xaq u leeyahay in uu baaro markii uu u baahdo hay’adda Duulista Rayidka”.

Sharciga duulista rayidka qeyb-ta uu kaga hadlayo dhinaca maaliyadda waxaa uu leeyahay “Mag-dhowga howllaha baadi-goobka iyo samatabixinta, qarasha lagu bixinayo baadi-goobka waxaa bixinaya shirkadda la badbaadinayo, isla shirkadda ayaa bixineysa khasaaraha ka dhasha howllaha baadi-goobka, badbaadada iyo mushaar maal-meedka shaqaallaha sama-falka aan aheyn.

Qodobka 114-aad ee Dastuurka ayaa waxaa uu dhigayaa in ay jiri karaan hay’addo madax banaan oo aan aheyn kuwa Dastuurka ku qoran ee commissioner-da ah.

Warar kale oo la xiriira