Aragti Baarlamaanka Warar 

Akhriso: Guddoomiye Mursal oo farriin ku saabsan doorashada u diray Beesha Caalamka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, ayaa qoraal uu kaga hadlay doorashada ka dhici doonta dalka Soomaaliya u diray deeq-bixiyeyaasha Caalamka.

Qoraalka ayaa loo diray Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka, iyadoo lagu oggeysiiyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Guddoomiye Mursal ayaa deeq-bixiyeyaasha Caalamka u sheegay in sharcigii doorashada ee dhawaan uu Baarlamaanka ansixiyay, uu waafaqsanyahay Dastuurka KMG ee dalka Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa sheegay in laga warqabo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si toos ah u dooran-donaan xildhibaannada Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa u xaqiijiyay deeq-bixiyeyaasha Caalamka in sharciga doorashooyinka uu awood u leeyahay in doorashada waqtigeeda ay ku dhacaan 2020/21, wallow wali ay jiraan baahida loo qabo afkaar loo dhanyahay iyo doodo u harsan Baarlamaanka. Waxaa uu Guddoomiye Mursal uu sheegay in kulanka soo aadan ee Baarlamaanka looga doodi-doono arrimo ay kamid yihiin doorka haweenka, diiwaan-gellinta cod-bixiyaasha iyo arrimo kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, ayaa deeq-bixiyeyaasha Caalamka u sheegay in arrinta Somaliland si gaar ah loola macaalimo doono.

Qaramada Midoobey, deeq-bixiyeyaasha iyo AMISOM ayaa looga mahadceliyay taageerada farsamo, dhaqaale iyo amni ee ku aadan doorashada 2020/21.

Halkan Hoose ka akhriso..

Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia
[email protected]

Warar kale oo la xiriira