Aragti Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka Galmudug oo magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha

Xildhibaannada Baarlamaanka ee dowlad-gobolleedka Galmudug oo Axadii shalay kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay magaalad Dhuusamareeb, ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Kulanka ayaa tallo soo jeedin looga dhageystay Xildhibaanada, waxaana dood laga yeeshay xubnaha ka mid noqonaya Guddiga oo lagu salleeyay nidaamka awood qeyb-siga beelaha.

Xubnaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka kooban 13 xubnood, waxaana la filayaa in xubnahan iska dhex doortaan Guddoomiye, Kuxigeen iyo Xogheyn.

Shaqadda ugu weyn ee laga filayo guddiga waa nidaaminta doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo ay jiraan musharaxiin badan oo dowladda dhexe ku eedeynaya fara-gellinta doorashada.

Dhinaca kale, maanta wararka laga helayo Galmudug, ayaa sheegaya in guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa lagu wadaa in kulankooda u horreeyay yeeshaan, kaddib markii shalay uu magacaabay Guddoonka Baarlamaanka.

Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia
[email protected]

Warar kale oo la xiriira