Aragti Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo 

Aqalka Sare oo akhrinta 1-aad marsiiyay hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Sabtidii shalay yeeshay kulakii 32-aad ee Kalfadhiga 6-aad, ayaa akhrinta 1-aad marsiiyay hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka.

Kulanka waxaa shir-guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi, iyadoona uu wehlinayay Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Seentar Abshir Maxamed Axmed .

Wasiirka Wasaarada gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin la socday ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare ee BFS si ay wasaaradda uga hor akhriso warbixinta akhrinta 1aad hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka.

Intaasi kaddib, Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedkan si rasmi ah loogu wareejiyay Guddiga Kheeyraadka Qaranka ,Kaabiyaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

Warar kale oo la xiriira