Aragti Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka Galmudug oo dhageysanaya khudbadaha musharaxiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeennada

Kalfadhiga Baarlamaanka Galmudug oo uu shir-guddoominayo Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal, ayaa maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka, iyadoona maanta uu kooramka ku furmay 72 xildhibaan.

Xildhibaannada ayaa maanta dhageysanaya khudbadaha musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeennada maamul-gobolleedka Galmudug.

Guddiga doorashada ee maamulka, ayaa sheegay in jadwalka doorashada ay tahay maalinta berri ah  oo taariikhda kubeegan tahay  30 bisha January.

Halkaan Hoose ka Akhriso magacyada Musharaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenkiisa Galmudug ee khudbadaha jeedinaya.

1) Axmed Shire Maxamed

2) C/laahi Axmed Samatar

3) C/raxmaan Aadan Sabriye

4) Axmed Cabdi Kaariye

Ku-xigeenka Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxaa u tartamaya Musharaxiinta kala ah.

1) Axmed Yuusuf Warsame

2) Cali Daahir Ciid

3) Saadaq C/laahi Xaaji Xaashi

4) C/qani Sh Cali Diini

5) Maxamed Xaashi Cabdi

wixii warar ah oo kusoo kordha halkaan kala soco gordhow

Warar kale oo la xiriira