Aragti Baarlamaanka Warar 

Aqalka Sare oo ka dooday Hindise-sharciyeedka Dooroshooyinka Qaranka ee heer Federaal

Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulankooda 33aad ee kalfadhiga 6-aad isugu yimid ayaa waxaa ay ka doodeen Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed iyo Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Dooroshooyinka Qaranka ee heer Federaal.

Koram kulanka ayaa ahaa 30 senator waxaana Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Sebatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Intaasi kaddib mudanayaasha ayaa guda gallay Ajendaha 2aad ayada oo uu Guddoomiyaha Guddiga KMG ee ka baaraandeggidda Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal ee Golaha Aqalka Sare-BFS uu ka hor akhriyay warbixinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka, intaa kadib Xubnaha Golaha Aqalka Sare ayaa ka dooday qodobadda qaar ee Hindise Sharciyeedka.

Ugu dambeyntii Xubnaha Golaha Aqalka sare ee BFS ayaa u balama in lasii wado Akhrinta doodda akhrinta 2aad maalinta Khamista ah oo taarikhdu ku beegantahay 30.01.2020

Warar kale oo la xiriira