Aragti Baarlamaanka Warar 

Senator Axmed Macalin “Waa in la joojiyaa colaadaha ka taagan duleedka Kismaayo”

Maalmihii lasoo dhaafay, colaad beeleedyo ayaa ka dhacay deegaanka Dalsan oo qiyaas ahaan 20-km u jira magaalada Kismaayo, waxaana colaadasi ay salka ku haysay Ceel-biyood laga qoday deegaanka.

Dagaalladii ka dhacay deegaanka waxaa uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay.

Mudanayaasha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda ay tahay Jubbaland, ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka taagan deegaanno duleedka ka ah magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Senator Axmed Macalin Cumar (Nadiir) ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo colaadaha ka taagan duleedka Kismaayo si loo baajiyo dhiigga shacabka ee micnadarada ku daadanaya.

“ Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah joojiyo colaadaha ka taagan duleedka Kismaayo si loo baajiyo daadashada dhiigga dadka Shacab ah oo qubanaya”.ayuu yiri Senator Axmed Macalin Cumar Nadiir.

 

Warar kale oo la xiriira