Aragti Baarlamaanka Warar 

Senator Nadiir oo sheegay in dib loogu noqdo cutubyo kamid ah sharciga doorashada lana waafajiyo-Dastuurka

Senator Axmed Maclim Cumar “Nadiir” oo ka hadlay hindise- sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal, ayaa sheegay in sharcigaasi cutubyo kamid ah aanu waafaqsaneyn Dastuurka, islamarkaana loo baahanyahay in lasoo waafajiyo.

Senator-ka ayaa si gaar ah uga hadlay, nidaamka xisbiyada iyo halka uu ka imaanayo Madaxweynaha.

“Haddii xabigii guuleysta aanu ka imaaneynin madaxweynaha, waxa lagu tartamayana ay xisbi tahay, annaga maxaan u daaleynaa? Oo loo tartamayaa oo aan xisbi isugu daalinaa, sababtoo ah Dastuurkii wax isbedel ah laguma sameynin”, ayuu yiri senator-ka.

Qaar kamid xildhibaannada ayaa aaminsan in sharciga diyaarintiisa hadda ay socoto in qodobo kamid ah ay ka hor imaanayaan Dastuurka hadda dalka u yaalla, balse waxaa xusid mudan in Dastuurka laftirkiisa ay ku socoto dib-u-eegis.

Warar kale oo la xiriira