Aragti Baarlamaanka Warar 

Wasiirka Ganacsiga, “Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhawrka waxaa uu kor-u-qaadayaa dhaqaallaha dalka”

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS mudane Cabdullahai Cali Xassan, ayaa sheegay in sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhawrka uu xal waare u yahay dhibaatooyin badan oo dalka Soomaaliya ka jira.

Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa 15-kii bishii January ansixiyay sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhawrka, kaddib markii Baarlamaanka uu ka gutay waajibaakiisa.

“Shacabka waxaa ka imaanaya cashabo ah in dalka la keenno badeecado dhacay, daawooyin aan tayo laheyn iyo agab oo wanaagsaneyn, intaasi iyo in kabadan ayuu ka hor tagayaa sharciga”, ayuu yiri wasiirka oo Baarlamaanka uga mahadcelinayay meel-marinta sharciga.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, ayaa sidoo kale sheegay in sharciga uu daboolayo baahi ay ummadda Soomaaliyeed u qabeen hay’ad tayo-dhowr, taas oo kor u qaadeysa dhaqaallaha dalka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira