Aragti Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo meel-mariyay hindise sharciyeedyo

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo shalay yeeshay kulankooda 32-aad ee Kalfadhiga 6-aad, ayaa ansixiyay sharciyo dhowr ah oo horyaallay Baarlamaanka.

Kulankii shalay waxaa soo xaadirtay 144 mudane, iyadoona uu shir-guddoominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ajendaha Kulanka ayaa waxaa Uu Ahaa:-

1-Furitaanka Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah

2-Ansixinta Ajendaha

3-Warbixinta Hindise-sharciyeed-yada Kasoo Noqday Aqalka Sare.

4–Sharciga Doorashooyinka Qaranka Heer Federal.

5-Sharciga Duulista Rayidka.

6-Sharciga Jaan-gooynta Iyo Tayo-dhowrka Soomaliyeed.

7-Sharciga Tirokoobka Qaranka.

8-Hindise Sharciyeedka Xeerka Warbaahinta.

9-Hindise Sharciyeedka Howlgabnimada Iyo Xaqsiinta Ciidamada.

10-Qeybinta Hindisaha Dib-u-eegista Iyo Kaabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda Dalka.

Ugu Horeyn Mudanyaasha Golaha Shacabka BJFS ayaa doodii shalay waxaa ay ku meel-mariyeen Hidise Sharciyeedyo ay kamid yihiin:-

1-Sharciga Doorashooyinka Heer Federal

2-Hindise-Sharciyeedka Xeerka Warbaahinta.

3-Hindise Sharciyeedka Howlgabnimada Iyo Xaqsiinta Ciidamada.

4-Sharciga Duulista Rayidka.

5-Sharciga Jaan-gooynta Iyo Tayo-dhowrka Soomaliyeed.

Dhanka kale waxa dib loo dhigay qeybinta Hindisaha dib-u-eegista iyo kaabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda Dalka.

Warar kale oo la xiriira