Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo sheegay in Baarlamaanka ay u har-sanyihiin shaqooyin badan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo khudbad ka jeediyay munaasabadii xiritaanka ee kalfadhiga 6-aad e Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in fadhigii Baarlamaanka ee 6-aad la ansixiyay sharciyo badan, islamarkaana labada Gole ee Baarlamaanka ay ka dhaxeysay wada-shaqeyn aad u sareysa.

Guddoomiye Mursal, ayaa sheegay in Xildhibaannada marka ay kasoo noqdaan fasaxa ay u yallaan shaqooyin badan, oo ay ugu horeyso arrinta Dastuurka iyo Doorashooynka.

Baarlamaankii 9-aad waxaa uu Dastuurka kusoo wareejiyay Baarlamaanka 10-aad ee hadda shaqeeya, waxaana Baarlamaanka hadda jira wakhtigiisa uu ku egyahay sannadkan, ayuu yiri Guddoomiyaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey howlaha muhiimka ah ee u harsan Baarlamaanka 10-aad, kuwaas oo ay ka mid yihiin dar-dar gelinta Dib u eegsita Dastuurka, dhammeystirka xeer-nidaamiyeyaasha doorashooyinka iyo ansixinta xeerarka iyo sharciyada ay u soo gudbisay Xukuumaddu.

Warar kale oo la xiriira