Aragti Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Farmaajo & Uhuru Kenyatta oo Telephone ku wada hadlay

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaaciyay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka ku wada hadlay in ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro,sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya ayaa lagu soo geba-gabeeyey War-Saxaafadeedka kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira