Aragti Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Zakariye “Waa waajib in dowladda ay la fariisato dhinacyada wax diidan”

Xildhibaan Zakariye oo a tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo ka hadlayay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ayaa sheegay in dowladda dhexe laga doonayo in ay xal la gaarto dadka wax diidan.

Waxaa uu aaminsanyahay xildhibaanka in dadka kalsoonidii ay ka luntay madaama 30 sannadoo la dagaallamayay islamarkaana qabaa’ilo loo diriray, gacmo shisheeyana ay ku jiraan meel walba.

“Mar walba in dowladda ay la fariisato dhinacyada waa waajib ay leedahay, haddii ay ka baaqsato iyadaa qaadeysa eedeeda. Dowladda iyadaa dhowladdii dhexe ah iyadaa laga rabaa in ay xal la gaarto dadka wax diidan. Dadkan kalsoonida wey ka luntay 30 sano ayaa la kala maqnaa, qabaa’il baa loo diriray gacmo shisheeye ayaa ku jira meel walba, dowladda waa in ay qaadataa hoggaanka”.

“ Haddii qof walba meesha uu joogo uu ku dhego arrintaasi wax fiican ma ahan. Waa arrin sii kala qeyneysa Soomaalidda” ayuu hadalkiisu sii raaciyay.

Warar kale oo la xiriira