Aragti Baarlamaanka Warar 

Xildhibaannada labada gole ee kasoo jeeda Beelaha Hawiye oo saluugtay saamiga laga siiyay Baarlamaanka Koonfur-Galbeed

Wasiirada iyo Xildhibaannada labada gole ee kasoo jeeda Beelaha Hawiye, ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Mogadishu.

Shirka waxaa looga hadlyay arrinta Koofur Galbeed, gaar ahaan liiskii Xildhibaannada Baarlamaanka Koofur Galbeed oo beeshu saluugtay saamiga laga siiyay.

Xubno kamid ah kuwii ka qeyb-gallay shirka ayaa soo jeediyay in tabashada beelaha Hawiye ee kuraasta Xildhibaannada laga siiyay Koofur Galbeed si midnimo leh loogu doodo.

Shirka ayaa laga soo saaray in Guddi ka kooban 13 xubnood loo saaray sidii Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ugala soo hadli laheyd saamiga beesha ka maqan iyo tabashadooda, maadaama kuraasta guud ee la siiyay Beelaha Hawiye ay aheyd 9 kursi, halka Baarlamaankii hore ay ka aheyd 20 kuraas.

Guddiga ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda safar ku tagaan magaalada Baydhabo si ay ula kulmaan Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Warar kale oo la xiriira