Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddi 13 xubnood oo ah wasiiro iyo xildhibaanno kasoo jeeda Beelaha Hawiye oo u safray Baydhabo

Xildhibaanno, senataro iyo wasiiro ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa maanta u ambabaxay magaalada Baydhabo, halkaasi oo la filayo in ay kula kulmaan madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfur-Galbeed iyo guddigii soo xulay xildhibaannada maamulkaasi ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Wafdigan ayaa ah Guddi ka kooban 13 xubnood oo habeen hore la magacaabay, kaddib markii ay shir isugu yimaadeen Wasiirada iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Beelaha Hawiye ee cabashada ka keenay saamiga laga siiyay kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Wafdiga ayaa madaxda maamulkaasi gaarsiin doona tabashada ay ka qabaan kuraasta Beelaha Hawiye laga siiyay Xildhibaannada oo ah 9 xubnood.

Kulamadaasi iyo wixii kasoo baxay halkan kala soco…

Warar kale oo la xiriira