Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoonka Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga diyaarinta xeerarka sharciga doorashooyinka

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad C/weli Ibraahim Sheekh Muudeey iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa gellinkii dambe ee shalay kulan la qaatay xubno ka tirsan Guddiga diyaarinta xeerark sharciga doorashooyinka qaranka.

Guddigan oo dhowaan uu magacaabay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa ka kooban 17 xubnood, waxaana kulanka uu ahaa mid is xog-wareysi ah oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka.

Guddigan ayaa howsha laga sugayay ay tahay sidii ay u asteyn lahaayeen goobaha la geynayo kuraasta Xildhibaannada la soo dooranayo, qoondada haweenka, kuraasta Xildhibaannada ka soo galaya Somaliland iyo arrinta Gobolka Banaadir sidii ay xuquuq uga heli lahaayeen Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliimo Yarey ayaa ugu baaqday Xildhibaannada labada Aqal in looga baahan yahay inay dedejiyaan sharciga axsaabta, si xisbiyada la diiwaan geliyay ay uga baxaan kumeel gaarnimada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii February ee sannadkan saxiixay sharciga doorashooyinka kadib markii uu soo maray labada aqal ee baarlamanka.

Madaxweynaha ayaa sharcigan ku hor saxiixay xildhibaanada oo ka qeyb-galay munaasabad lagu soo xiray kal-fadhigga baarlamanka oo Muqdisho lagu qabtay.

Warar kale oo la xiriira