Aragti Baarlamaanka Warar 

‪Maxey ka wada hadleen guddiga Baarlamaanka ee sharciga doorashooyinka iyo guddiga doorashooyinka Qaranka? ‬

Guddi-wadajirka ku meel-gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa oo kulamo is-daba joog ah ka wada Magaalada ayaa kulan kula yeeshay xarruunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka waxaa Shir guddoominaayay guddoomiyaha Guddi-wadajirka ku meel-gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka Madane Ibraahim Isaaq Yarroow.

Kulanka uu guddiga la yeeshay guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka qarankaa ayaa ahaa latashiyo iyo isxog-wareysi ku aadan 4ta xeer ee guddiga loo soo xilsaaray in ay kasoo shaqeeyaan ee kala ah.

I. Xeerka Deegaameeynta Kuraasta.

II. Xeerka xaqiijinta Qoondada Haweenka.

III. Xeerka Doorashada xubnaha labada Aqal ee kazoo jeeda Gobolladda Waqooyi(Soomaaliland).

IV. Xeerka xaquuqda metelaada gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil {xaliimo yareey} ayaa guddiga u soo bandhigtay talooyinkooda ku aadan xeerarka muhiimka u ah dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Guddi-wadajirka ku meel-gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil {Xallimo Yareey} latashiyada iyo talooyinkooda muhiimka ah ee la xarrriiro xeerarka dhamaystirka ah ee sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Kulankaan uu guddiga la yeeshay guddiga madaxa banana ee doorashooyinka qaranka ayaana qeyb ka noqonaayo kulamo uu guddiga la yeelanaayo qeybaha kala duwan ee uu quseeyo xeerarka dhamaystirka u ah sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal ah.

Dhammeystirka Dastuurka dalka, ayaa ah shaqadda igu weyn ee shacabka Soomaalidda ay ka sugayaan dowladda hadda jirta, taas oo horay u ballanqaaday dhammeystirka Dastuurka dalka. 

Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in bartamaha sannadkan ay soo gaba-gabeyn doonaan Dastuurka. 

Warar kale oo la xiriira