Aragti Baarlamaanka Warar 

Waa kuwee musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Koonfur-Galbeed ee khudbadahooda maanta la dhegeystay?

Ajandihii kulanka maanta ee xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ahaa dhageysiga khudbadaha musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka.

Kulanka waxaa uu ku furmay 95 mudane, midna kama maqneen xildhibaannada Baarlamaanka oo guud ahaan ka kooban 95 xildhibaan.

Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee ah shan musharax, ayaa jeediyey khudbadahooda musharaxnimo, kuwaas oo kala ahaa.

1: Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka

2: Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo doonaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

1: Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed oo u taagan xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

2: Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed oo u tartami doona xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

1: Xildhibaan Shamso Maxamed Yaroow oo ah Shaqsiga kaliya ee u taagan qabashada xilka guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Maalinta Berito ah oo ku beegan 1-da Bisha Apriil ayaa la filayaa in ay Magaalada Baydhabo ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed iyo labadiisa kuxigeen.

Xildhibaan Cali Saciid Fiqi, ayaa kamid ah musharaxiinta u cad-cad kursiga guddoonka Baarlamaanka ee maamulkaasi, waxaana ilo-wareedyo sheegayaa in xildhibaanka uu aad ugu dhowyahay dowladda federaalka Soomaaliya, hase-yeshee lama ogga musharaxa ku guuleysan doona doorashada.

Warar kale oo la xiriira