Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiye Mursal “Nuur Cadde xili adag ayuu dalka usoo shaqeeyay”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Nuur Xasan Xuseen ”Nuur Cadde oo ku geeriyooday Magaaladda London ee Dalka Britian.

”Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun rabi naxriistiisa jano haka waraabiyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Allaha haka siiyo Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde waxa uu ahaa shaqsi qaali ah oo wax badan dalka usoo qabtay xili adagna dalka usoo shaqeeyay” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Allaha ha u naxriistee Marxuum Nuur Cadde oo mudooyiinkii ugu dambeeyay degganaa magaalada London ee xarunta dalka Britain, wuxuu xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qabtay 22-kii November sanadkii 2007-dii,waxaana xilkaas u magacaabay madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo hoggaaminayay dowladii kumeel gaarka ahayd.

Dhinaca kale, ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheikh Muudeey ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday Magaalada London.

Guddoomiye Cabdiwali Ibraahim Sheikh Muudeey ayaa yiri (Allaha u naxariisto.Jannatul Firdowsa allaha ka waraabiyo,Qabrigiisa allaha u waasiciyo Ehelkiisa iyo ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo).

Nuur Xasan Xuseen ”Nur Cadde” wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1938-kii waxa uuna ku dhintay da’da 82-sano jir.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILLEEHI RAAJICUUN.

Warar kale oo la xiriira