Aragti Baarlamaanka Warar 

Madasha Xisbiyada Qaran oo soo saartay Mowqifkeeda Doorashoyinka Qaran

Madasha xisbiyada Qaran, oo maanta soo saaray war Saxaafadeed ka kooban 14 qodob, ayaa waxaa ay kaga hadleen mowkhifkooda doorashada Qaran ee dalka Soomaaliya, taas oo la filayo in ay dhacdo sannadka dambe.

Qodobka ugu horreeya ee war-saxaafaddeedka, ayaa lagu sheegay in doorashada ay ku dhacdo wakhtigeeda, iyadoo aaney dhicin muddo kororsi. Maamul-gobolleedyada iyo dowladda dhexe ayey ugu baaqeen in ay dhaqaallo u qoondeeyaan doorashada soo socota.

Madasha ayaa sheegay in hantida Qaran aan loo adeegsan doorashooyinka. Waxaa ay ku taliyeen in la abuuro ciidamo police oo gaar ah oo ilaaliya doorashooyinka, kuwaas oo laga keennay dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Qoraalkan ayaa lagu xusay in dowlada federalka ay ka cagajiideyso habsami u socodka doorashada.

Madasha xisbiyada Qaran, ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay in doorashada ay ku dhacdo xiligeedda.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran;

Warar kale oo la xiriira