Aragti Baarlamaanka Warar 

Sheekh Shariif iyo danjiraha Midowga Yurub oo kulmay

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, ayaa shalay magaalada magaaladda Mogadishu kula-kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ahna Guddoomiyaha Madasha xisbiyada Qaran .

Mudane Sheekh Shariif iyo xubno kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan ayaa xafiiskiisa ku booqday safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga Martinez.

Kulankan ayaa loogaga hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka , cudurka halista ah ee coronavirus iyo arrimo kale oo ay kamid yihiin.

1- Ilaalinta dastuurka KMG & dhowrista xuquuqda muwaadinka, innaga oo la wadaagnay sida ay dowladda dhexe ugu tumanayso shuruucda dalka.

2- Aragtideenna ah in aan marna la aqbali karin dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Qaranka 2020/21.

3- Qoondada haweenka ee golayaasha sharci dejinta ee ah 30%, innaga oo u xaqiijinnay in Madasha Xisbiyada Qaran ay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya taageera la qabto in la ilaaliyo oo aan marnaba lagu xadgudbin.

4- Qaabka la isaga kaashan karo sida looga hortagi karo qatarta cudurka CoronaVirus oo caalamka guud ahaan dhibaato ku haya, looguna baraarujin lahaa Soomaalida qatarta cudurka.

Madasha xisbiyada Qaran, oo maanta soo saaray war Saxaafadeed ka kooban 14 qodob, ayaa waxaa ay kaga hadleen mowkhifkooda doorashada Qaran ee dalka Soomaaliya, taas oo la filayo in ay dhacdo sannadka dambe.

Qodobka ugu horreeya ee war-saxaafaddeedka, ayaa lagu sheegay in doorashada ay ku dhacdo wakhtigeeda, iyadoo aaney dhicin muddo kororsi. Maamul-gobolleedyada iyo dowladda dhexe ayey ugu baaqeen in ay dhaqaallo u qoondeeyaan doorashada soo socota.

Warar kale oo la xiriira