Aragti Baarlamaanka Warar 

Xoghayihii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo ku geeryooday Mogadishu

Xildhibaan Aadan Xasan Cali (Jamhuuriya), oo ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku geeryooday isbitaal ku yaalla Mogadishu.

Xildhibaanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay lala tacaalayay xaaladiisa caafimaad, isagoo ku jiray maalmo Isbitaalka Yardimeeli ku jiray, waxaana uu galay xaalad Koomo. Marxuumka, ayaa la xanuunsanayay cudurka macaanka.

Guddoomiyaha golaha shacabka, guddoomiye ku xigeenada,wasiirka Warfaafinta, wasiirka Amniga iyo dhammaan xildhibaanada golaha ayaa tacsi tiiraanyo leh udiray qoyskii, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay AUN Xildhibaan Aadan Xasan Cali (Aadan Jamhuuriya) oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa lagu yiri war kazoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheikh Muudeey ayaa ka Tacsiyeeyay Geerida ku timid Xildhibaan aadan Ali Hassan (aadan moobleen oo ku geeriyooday Magaalada muqdisho .

Guddoomiye Cabdiwali Ibraahim Sheikh Muudeey ayaa yiri (Allaha u naxariisto.Jannatul Firdowsa allaha ka waraabiyo,Qabrigiisa allaha u waasiciyo Ehelkiisa iyo ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo).

Xildhibaanno badan oo ka tirsan Baarlamaanka labada gole ayaa ka tacsiyadeeyay geerida xildhibaanka. Waxiirka amniga Soomaaliya Hon. Mohamed Abukar Islow Duale, ayaa yiri “Innaa lillaahi waa innaa ileyhi raajicuun.Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Eheladii iyo Qoyska uu ka geeriyooday wallaalkeen Xildhibaan Aadan Xasan Cali (Jamhuuriya). Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii iyo Eheladii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo”. AAMIIN.

Warar kale oo la xiriira