Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur-Galbeed oo sheegay in mashruuca Biyooley uu yahay mid hormarineed

Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka KGS Dr Ali Siciid Fiqi ayaa todobaadkan ka qeyb-galley munaasabad kooban oo lagu daahfureyay mashruuca Biyooley oo ay ka faa’ideysan doonaan ku-dhowaad 39,000 qof oo ku nool deegganada Koonfur Galbeed.

Mashruuca ayaa waxaa qeyb ka ah hormarinta wasaaraddaha dowladda, hormarinta beeraha, xoolaha iyo cimilada. Guddoomiye Cali Fiqi, ayaa sheegay in mashruuca uu u arko mid aad loogaga baahanyahay gobolka isla-markaana haddii maamulka uu ku guuleysto ay sii socon doonto dowlad-gobolleedka Koonfur-Galbeed.

Guddomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka KGS Dr Ali Siciid Fiqi, ayaa dhinaca kale sheegay in madaxweynaha iyo golihiisa wasiiradda ay mashruucan u qaadan doonaan arrin muhiim u ah deegaanka.

Mashruuca Biyooley oo ay ka faa’ideysan doonan ku-dhowaad 39,000 qof oo ku nool deeganada Koonfur Galbeed, ayaa la filayaa in dhawaan la bilaabo, sida madaxweynaha maamulka uu sheegay.

Warar kale oo la xiriira