Aragti Baarlamaanka Falanqeyn Warar 

Maxamed Mursal “Guddoonka Baarlamaanka marna kuma fakarin in muddo kororsi ay sameeyaan, xaqna uma laha in ay ku fakaraan”

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkan dib-u-dhigay furitaanka Kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka, kaddib markii cudurka COVID-19 uu kusii baahay dalka.

Kalfadhiga ayaa la filayay in uu furmo 20-kii bishan. Qaar kamid ah xisbiyadda siyaasadda ee dalka ayaa dib-u-dhigista kalfadhiga ku micneeyay bilowga muddo kororsi, iyadoo dhawaanadan xisbiyadda ay hadal hayeen in dowladda ay dooneyso in muddo kororsi ay sameeyso, iyada oo ku andocooneysa cudurka COVID-19.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh, ayaa sheegay in isaga iyo guddoonka Baarlamaanka aysan maalin ku fakarin muddo kororsi, isagoona xusay in aysan jirin meel Baarlamaanka ay uga banaantahay in ay xilka kororsadaan.

“Qodobka 64-aad ee Dastuurka KMG waxaa uu dhigayaa xil heynta Baarlamaanka waa 4 sanno, sidoo kale qodobka 91-aad waxaa uu qorayaa in xil heynta madaxweynaha ay tahay 4 sanno.”, ayuu yiri.

Mudane Maxamed Mursal, ayaa carabka ku adkeeyay in Baarlamaanka uusan u diyaar-garoobin in xil kororsi uu sameeyo, taasi bedelkeeda waxaa  uu u diyaar-garoobayaa sidii loo de-dejin lahaa shuruucda horyaalla oo ay kamid yihiin sharciga axsaabta siyaasadda iyo dhammeystirka sharciga doorashooyinka oo hadda ku maqan guddiga.

“Annaga waxaan qorsheyneynaa ka Baarlamaaan ahaan in wadanka doorasho ay ka dhacdo. Guddoonka marna kuma fakarin in muddo kororsi ay sameyaan, xaqna uma lihin in aan ka fakarno”, ayuu sii raaciyay.

“Waxaan rabaa in hal qodob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada waxaa loogu talagalay baarlamaanka, oo kala ah Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Muddooyinkii ugu dambeeyay ee aan kasoo gudubnay oo ay ugu dambeysay 2016-kii, doorashada la aadi jiray waxay ahayd doorasho dadban, marka waxa la dooranayo waa 275 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah, sidaas awgeed waxay ila tahay intaas xal loo waayi maayo”.

“Waxaan magacownay guddi kasoo shaqeeya qodobbada ka dhiman sharciga doorashooyinka, iyagoo kaashanaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, howshiina way wadaan inkastoo arrintaan coronavirus ay u saamixi waysay shaqooyinka qaar, laakiin shaqo fiican ayey qabteen ilaa hadda, waxaana aaminsan nahay inay soo dhammeystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto”, ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka.

Hassan Istiila
[email protected]

 

Warar kale oo la xiriira