Aragti Baarlamaanka Falanqeyn Warar 

Xaliimo Yarey “Doorashooyinkii dalka soo maray ma jirin mid wakhtigeeda lagu qabtay”

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Yarey), oo ka hadleysay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa sheegtay in guddiga uu waddo shaqaddiisa ku aadan sidii dalka Soomaaliya ay uga dhici laheyd doorasho Qof iyo Cod ah oo xiligeeda ku dhacda.

Balse falanqeeyayaasha siyaasadda Soomaaliya, ayaa ku doodaya in aysan macaquul aheyn doorasho Qof iyo Cod ah, haddana dalka uu soo gaaray cudurka COVID-19. Falanqeeyayaasha ayaa sidoo kale sheegaya in hadda dooda ay tahay dowladda ma muddo kororsi ayaa ay sameyn doontaa mise doorashada xiligeeda ayey ku dhici doontaa.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa aaminsan in doorashooyinka ay xiligooda ku dhici doonaan.

“Intii lasoo maray ee doorashooyin ahaa ee dalka Soomaaliya ka dhacay ma jirin mid wakhtigeeda lagu qabtay, haddii taariikhda dib loogu noqdo, mar kasta waxaa imaanayay arrimo farsamo oo dib-u-dhigayay. Tusaale ahaan tii hadda ugu dambeysay ee 2016 xiligeeda kuma dhicin, waxaana yimid arrimo farsamo”, ayey tiri Xaliima Yarey.

“Doorasho waxaa ay ku xirantahay sharciga doorashooyinka, sharciga doorashadana in uu soo daahay wey jirtaa, sharciga doorashooyinka sida uu u dhanyahay meelo badan ayaan wakhtigan la joogo aan la jaan-qaadi karin laakiin iyadana waa mida loo bixiyay guddiga ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka oo meelaha aan la jaan-qaadi karin xaalada Soomaaliya ka shaqeynaya”.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka, ayaa dhinaca kale sheegtay in muddo ay la fadhiyeen guddiga isku-dhafka ee doorashooyinka ee Baarlamaanka oo wixii aqoon ay dheeryihiin ama sida ay fakarayaan ay kala tashadeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh, ayaa sheegay in isaga iyo guddoonka Baarlamaanka aysan maalin ku fakarin muddo kororsi, isagoona xusay in aysan jirin meel Baarlamaanka ay uga banaantahay in ay xilka kororsadaan.

“Qodobka 64-aad ee Dastuurka KMG waxaa uu dhigayaa xil heynta Baarlamaanka waa 4 sanno, sidoo kale qodobka 91-aad waxaa uu qorayaa in xil heynta madaxweynaha ay tahay 4 sanno.”, ayuu yiri.

“Waxaan magacownay guddi kasoo shaqeeya qodobbada ka dhiman sharciga doorashooyinka, iyagoo kaashanaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, howshiina way wadaan inkastoo arrintaan coronavirus ay u saamixi waysay shaqooyinka qaar, laakiin shaqo fiican ayey qabteen ilaa hadda, waxaana aaminsan nahay inay soo dhammeystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto”, ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka.

Hassan Istiila
[email protected]

Warar kale oo la xiriira