Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Aqalka sare oo ka hor-yimid xilliga la bixinayo shatiyada baloogyada shidaalka

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa maalin ka hor sheegtay in la bilaabayo bisha Agosto shatiga lagu bixinayo 7 baloog oo ah goobaha laga helay shidaalka. Wasaaradda ayaa sheegtay in bisha Agosto la bilaabi doono bixinta shatiyada iyo tartanka shirkaddaha, waxaana ay ku ektahay bisha Maarso ee sannadka 2021.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa ka soo horjeestay go’aanka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ku dhawaaqday ee ah in la bilaabayo bisha Agosto shatiyada la bixinayo.

Todobada Baloog ee shatiyadooda la bixinayo bisha Agosto ayaa ku yaalla maamul gobolleedyada, Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Senator Ilyaas ayaa sheegay in guddiga kheyraadka Aqalka Sare uu arrinkan uga soo horjeedo sabab muuqata oo uu ku sheegay qiima dhaca aadka u weyn ee ku yimid Shidaalka caalamka iyo saameynta caalamiga ah ee Coronavirus.

“Iib-geynta Shidaalka Somalia xiligaan oo uu aduunku maraayo qiimihiisa meeshii ugu xumeed oo ah yaa iga qaata iyo aduunyada oo la daalaa dhaceyso dhibatada Coronavirus ka waxay tusaale utahay qorshe xumada iyo kala sareysiinta muhiimadaha dalka xiligaan adag”ayuu yiri Senator Ilyaas.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa yiri “Qorshahani waa qorsha daba socda labo sheey inaan soo dhameystirnay sharcigii Batroolka ee waddan Soomaaliya lagu dhaqi lahaa iyo baaritaankii lagu sameeyay badda Soomaaliya labo jeer, ” ayuu yiri Eng Cabdirashiid.

Waxaa uu intaa ku daray in imika ay la marayo marxaladii caalamka loo soo bandhigi lahaa in Soomaliya ay diyaar u tahay maalgashiga dhanka Shidaalka.

Warar kale oo la xiriira