Aragti Baarlamaanka Warar 

Senator Ilyaas “Is-faham hoose ayaa ka dhexeeya hoggaanka Nabad Iyo Nalol iyo Nairobi”

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka hadlayay go’aanka ICJ ee dib-u-dhigista dhageysiga dacwadda badda Soomaaliyeed ee Kenya muranka gelisay ayaa sheegay in la dheehan karo qorshaha iyo is-fahamka hoose ee ka dhexeeya Nabad iyo Nolol iyo xukuumadda Kenya.

“Dib-u-dhigista dacwadadii Badda 15-ka bisha March ee sanadka 2021 sida ay maxkamadu caddeysay, waxaa laga dheehan karaa qorshaha qarsoon iyo isfahamka hoose ee kadhaxeeyo hogaanka NN iyo Nairobi laakiin Soomaaliya Allah ayaa lajiro xaqa ayaana guuleysan doono Insha Allah”, ayuu bartiisa Facebook kusoo noqray Senatarka.

Maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ( ICJ) ayaa shalay caddeysay in ilaa 15-ka bisha March 2021-ka dib loo dhigay waqtiga garmaqalka dacwadda Badda Soomaaliyeed ee Kenya muranka gelisay, iyada maxkamaddu ku sababeysay xaaladda uu sababay xanuunka Feyruska Karoona.

Maxkmadda ICJ waxay 15-ka iyo 18-ka March 2021 dhageysaneysaa dooda dowladda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale 17-ka iyo 19-ka March 2021 dhageysaneysa doodda Kenya ee doonista badda Soomaaliyeed.

Warar kale oo la xiriira