Baarlamaanka Warar 

Muuse Suudi oo sheegay in ay adagtahay in lasoo helo dadkii ka dameeyay dilkii dhallinyaradda

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka hadlay dhallinyaradii lagu laayay deeggaanka Gololeey ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in ay adagtahay sidii loo soo heli lahaa dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Waxaa uu xusay in dad u shaqeeya dowladda oo ka baqaya in shaqadda laga bixiyo lagama sugaayo baarinta dhacdadaasi.

“Falkaan sida dadkii ka danbeeyay loo helo waa adag tahay.. Baaris badan ayaan galay waxaan la hadlay guddoomiyaha degmada, taliyaha ciidamada Booliska Balcad, Taliyaha Nabadsugidda iyo nin xildhibaan ah kulligood waa isla jireen, waana ka waayey nin wixii jira sheegi karo” ayuu yiri Muuse Suudi.

Senatarka ayaa sheegay in wali ay calaamad su’aal ay u saarantahay qaabii uu ku geeryooday duqii hore ee Magaalada Mogadishu, oo lagu dilay qarax ka dhacay xafiiskiisa.

Warar kale oo la xiriira