Aragti Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo ansixiyay Xeerka Asteynta Kuraasta Baarlamaanka Federaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 12-aad ee kalfadhiga 7aad ee Golaha, wuxuuna fadhiga ku furmay 150 xildhibaan. Ajendayaasha kulanka ayaa ahaa sii-wadista Doodda Xeerka Asteynta Kuraasta Golaha Shacabka iyo akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga ahayn. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday oo ansixiyey Xeerka Astaynta Kuraasta Golaha Shacabka, iyadoo ay ogalaatay 144 xildhibaan, waxaana ka aamusay 2 xidhibaan, halka ay diideen 4 kale. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa xildhibannadda kula…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Farxiya Muumin “Matalaada Gobolka Banaadir ma ahan in la baryo”

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa todobaadkan si aqlabiyad leh u meel-mariyay in Gobolka Banaadir uu 13-ku ku yeesho Aqalka Sare ee Baarlamaanka, kaddib codeyn Baarlamaanka uu sameeyay. Xildhibaan Farxiya Muumin Cali oo ka hadleysay dooda xeerka matalaada Gobolka Banaadir, ayaa aaminsan in matalaada Gobolka Banaadir aysan aheyd in la baryo. Qodobka koowaad ee Dastuurka ayaa qoraya in qof kasta oo Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay in la doorto isaganna uu wax doorto, sidaasi awgeed 3 milyan oo Gobolka Banaadir deggan ayaa loo diiday in la doorto iyo in…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay in Soomaaliya loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo Goleyaasha DFS guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii dalkeenna loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula xiriiray Madaxa Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo doortay Madaxwayne kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Falanqeyn Warar 

Baarlamaanka Puntland oo ka hor-yimid 13-ka kursi ee Aqalka Sare lagu kordhiyay iyo Qoondaha Haweenka

Golaha wakiilada maamulka Puntland, oo maanta shir ku yeeshay xarunta Baarlamaanka ee magaalada Garowe, ayaa mar kale ka dooday arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya iyo 13-kii kursi ee Gobolka Banaadir laga siiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Baarlamaanka ayaa sheegay in Dastuurka uusan waafaqsaneyn go’aankii Baarlamaanka ku meel-mariyay qoondada kuraasta haweenka ku fadhiyaan taas oo loogu asteeyay in haweenka keliya ay ku tar-tami karaan. Golaha ayaa sidoo kale caddeeyay in ay sharci darro tahay ansixinta kuraasta Aqalka Sare ee matalaada Gobolka Banaadir, waxaana ay sheegeen in arrintaasi ay ka hor…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Maxey kala yihiin labad nooc doorasho ee Guddiga Doorashooyinka ay soo bandhigeen?

Nooca koobaad ee doorahada ay soo jeedisay Xaliimo Yarey: Gudoomiyaha ayaa tilmaantay in sida ku xusan sharciga doorashooyinka, nooca diiwaangelinta codbixiyaha ay noqoto habka casriga ah ee Biometric-ga, kaasoo u baahan hawlo ay ka mid yihiin: In la soo iibiyo qalabka diiwangalinta codbixiyaha In hay’adaha amniga xaqiijiyaan xarumaha lagu diiwangalin karo codbixiyaha ee la sugi karo amnigooda. In la fuliyo wacyigelin balaaran si dadwaynuhu uga qaybgalaan is diiwaangalinta In la geeyo qalabka iyo shaqaalaha diiwangalinta xarumaha diiwaangalinta. In la diiwaangeliyo codbixiyaasha xaqa u leh codaynta. Soo saaridda liiska codbixiyaha ee rasmiga.…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Xasan Sheekh Maxamuud: Lama aqbali karayo hadalkii Xaliimo Yarey ee shalay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wax lala fajacay oo aan wakhtigaan la filayn ku tilmaamay tallaabaddii shalay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) uu ku dalbaday wakhti dheeraad si dalka ay uga dhacdo doorasho waafaqsan dastuurka dalka. Guddoomiyaha guddigani, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), ayaa shalay Golaha Shacabka ka horjeedisay hadal-jeedin muddo la sugayay, taasi oo ku aaddan doorashada lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya. Xaliimo Yarey ayaa soo bandhigtay laba nooc oo ay u dhici karto doorashada soo socoto, iyadoo sheegtay in nooca ku xusan…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Jeylaani iikar oo sheegay in Golaha Shacabka uu go’aan taariikhi ah ka gaaray arrinta Gobolka Banaadir

Xildhibaan Jeylaani Nuur Iikar, ayaa sheegay in baarlamaanka uu gaaray go’aan taariikhi ah kaddib markii uu ansixiyay in Gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho Aqalka Sare ee Baarlamaanka.  Mudane Jeylaani, ayaa u mahadceliyay Guddigii kasoo shaqeeyay in xalka laga gudbo oo xaqa loo gudbo, waxaana uu codsaday in maqaamka magaalada la ansixiyo ka hor inta uusan dhammaanin muddo xileedka Baarlamaka.  “Anniga oo ku hadlaya magaca Gobolka Banaadir, waxaan ka mahadcelinayaa go’aanka Baarlamaanka. Baarlamaannaddii hore oo aan xitaa anniga guddoon aan kasoo ahaa arrintan wey dhammeyn waayeen”, ayuu yiri.  Madaxweynaha…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Falanqeyn Warar 

Muxuu madaxweyne Farmaajo u ammaanay Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo fulinta codsigii Madaxweyne ee ku aaddanaa xaqiijinta Matalaadda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda go’aankan taariikhiga ah oo aan horey loogu dhiirran, in uu ku yimid dadaal wadajir ah oo ay muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta ay ka go’an tahay in la sii amba-qaado hannaanka dimuqraadiyadda loo dhan yahay ee dalka. “Golaha Shacabka Baarlamaanka…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Falanqeyn Warar 

Guddiga doorashooyinka oo Baarlamaanka usoo bandhigay (Laba nooc Doorasho)

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa maanta oo sabti ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ka hor-jeedisay warbixinta doorashada 2020/21, warbixintaasi oo aad loo wada sugayay. Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa xildhibaannada iyo shacabka Soomaaliyeed u caddeysay in doorashada ku dheceysa habka biometric ka ah aysan suurto gal ahayn inay ku qabsoonto wakhtiga loogu talagalay  ee ahaa Nov 27 sannadkan 2020. Noocaasi biometric ah ayey sheegtay in ay ku qabsoomi karto muddo 13 bilood ah oo ka bilaabmaysa July 2020 kuna eg Aug…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo ansixiyay in Gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho Aqalka Sare

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xeerka matalaada Gobolka Banaadir uu ku yeellanayo Aqalka Sare ee Baarlamaanka. 146 mudane ayaa soo xaadirtay fadhigii maanta, waxaana xeerka u codeysay 142 mudane, halka 4 xildhibaanna ay ka aamuseen. Xeerka maanta la ansixiyay ayaa dhigaya in Gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho Aqalka Sare. 130 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore saxiixay mooshin cusub, kaas oo u jeedkiisu uu yahay in Gobolka Banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho 13 kursi. Guddiga…

Akhriso Faahfaahinta