Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka oo maanta dejinaya ajandayaasha Kalfadhiga 7-aad

Xarrunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargaysa ee magalaadda Muqdisho, maanta waxaa kulan ku leh guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka guddiga joogtada ah waxaa looga hadli doonaa dejinta Ajendayaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka, Kalfadhigaasi oo uu 6-dii bisha furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo.

Kulanka ugu muhiimsan ee la sugayo ayaa ah midka dhici donna 27-ka bishan June, markaasi oo lagu waddo in Guddiga Doorashooyinka ee Soomaaliya ay hor-yimadaan Baarlamaanka, si looga dhageysto arrimaha doorashooyinka.

Fadhiyadda kale ee xiisan badan waxaa kamid ah midka arrimaha axsaabta looga hadli doono, waxaana sharcigaasi uu horyaallaa Baarlamaanka, waana mid muhiimad weyn u leh doorashada dalka Soomaaliya.

Halkan kala soco waxa kasoo baxa kulanka Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka…

Warar kale oo la xiriira