Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo magacaabay guddi ka kooban 9-aad xubnood

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi C/llaahi oo xalay soo saaray war-saxaafadeed ayaa magacaabay Guddiga isu-keenista Madaxda Labada Heer dowladeed ee Federaalka iyo dowlad-Gobolleedyada.

Guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka kooban 9 Senator, iyadoo uu ku jiro Guddoomiyuhu, waxaa ka mid ah xubnaha ku jira Guddigan Senator C/raxmaan Faroole, Senator C/risaaq Jurile, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow, Senator Xuseen Sheekh Maxamed, Senator Cusmaan Dufle, Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Senator C/llaahi Cabdi Garuun iyo Senator Muxiyaddiin Sheekh Cali Jaamac.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in guddiga ay si deg-deg ah uga shaqeynayaan isku- keenista Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyagoo diyaarin doona shir looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doonodoorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay  oo doorashada lagu galo.

Magacaabida Guddigan ayaa daba socota baaqii Guddoomiye Cabdi Xaashi uu soo saaray maalmo ka hor ee ahaa in dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo saamaleyda siyaasadda inay isugu yimaadaan shir degdeg oo wadatashi ah.

khilaafka dowlad-gobolleedyada iyo Dowladda Soomaaliya, ayaa maraya heer aad u sareeyay, iyadoo ay soo dhowdahay doorashada dalka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira