Aragti Baarlamaanka Warar 

Madaxdweynaha Puntland oo maanta furaya Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamaanka

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa lagu wadaa in uu maanta furo kalfadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Puntland. Munaasabadda furitaanka kalfadhiga 46-aad ee Puntland ayaa haatan ka socota Xarunta Baarlamaanka maamulkaas, waxaana ka qeyb geli doona Xildhibaanada Puntland iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Kulamada kalfadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa Ajendayaasha ugu waaweyn ee looga doodi doono waxaa kamid ah La-xisaabtanka Xukuumadda iyo dhameystirka iyo Ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah oo Puntland aysan horay u lahaan jirin taasi oo muhiim u ah hannaanka Xisbiyada badan ee ka jira Puntland.

Ammaanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Baarlamaanka oo maanta ka dhaceyso Munaasabadda furitaanka.

Halkan kala soco munaasabadda….

Warar kale oo la xiriira