Aragti Baarlamaanka Warar 

Senator Axmed Bulsho oo soo dhoweeyay go’aankii dowladda ay ku aqoonsatay Axmed Madoobe

Senator Axmed Cabdixafiid Bulsho oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay deeggaan doorashadiisa tahay Jubbaland ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda ee Axmed Madoobe ugu aqoonsatay Madaxweyne KMG ah muddo laba sanno ah, isagoo tilmaamay in go’aankaas uu kusoo aaday xili muhiim ah.

“Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubbaland waxaa uu sababay in dhibaatooyin kala duwan ay soo gaaraan shacabka, waxaa ay haatan u muuqataa Isfaham soo kala dhex-galay labada dhinac”, ayuu yiri.

Sidoo kale Senatorka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ay heshiis ka wada gaari doonaan Khilaafyada muddooyinkii dambe ka dhexeeyay, isla markaana wada-hadal yeelan doonaan.

“Intii isfahan la’aantu ay ka dhax-jirtay DF iyo Jubbaland waxaa hubaal ah inuu jiray dib u dhac xooggan oo shacabka soo gaaray,si boqolkiiba boqol ah ayaan usoo dhaweyneynaa isfahanka” ayuu yiri Senator Bulsho.

Warar kale oo la xiriira