Aragti Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo loo qeybiyay afartii xeer ee muddo laga soo shaqeynayay

Guddomiyaha Guddiga Diyaarinta iyo dhammeystirka xeerarka Doorashooyinka Qaran xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow, ayaa maanta Golaha Shacabka ka hor-aqriyay afarta xeer ee loo saaray inay soo diyaariyaan.

Xildhibaanka markii uu sharxayay xeerarka ayaa waxaa uu dul istaagay mid walba iyo shaqooyinka ay ka soo qabteen iyo wadatashiyadii ay geliyeen.

Afartan Xeer oo kala ah Xaqiijinta Qoondada Haweenka, Mataalada Gobolka Banaadir, Xeerka Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta BFS iyo Habka Nidaamka Doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi/Somaliland.

Intaasi kaddib xildhibaannada ayaa loo qeyb-biyay afarta xeer si ay usoo aqriyaan kaddibna tallooyin ay uga bixiyaan. Matalaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir ayaa Guddiga isku raacay in 7 kursi la siiyo, iyadoo wax laga bedelayo qodobka 72aad ee Dastuurka, maadaama 7-da kursi ay tahay kuraas dheeri.

Guddiga ayaa isku raacay in xildhibaannada ka imaanaya Soomaaliland lagu dooran doonno magaalada Mogadishu, inta xal siyaasadeed looga gaarayo xaaladdaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Warar kale oo la xiriira