Aragti Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka kuraasta Gobolada waqooyi

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 7-aad ee kalfadhiga 7-aad, kaas oo ajandihiisu uu ahaa dhammaystirka ka doodista xeerka kuraasta gobolada waqooyi iyo ka doodista xeerka matalaada gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa soo xaadirtay 168 Xildhibaan, kuwaas oo maalintii labaad sii waday dooda ku saabtay labada xeer ee ay soo gudbiyeen guddigii wada-jirka ahaa ee dhammeystirka xeerarka Doorashooyinka Qaranka.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib, xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobolada Waqooyi, waxaana oggolaatay 167 mudane, hal xildhibaan ayaa diiday, mana jirin mudane ka aamusay.

Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ayaa doorashadooda waxaa ay ka dhici doontaa magaalada Mogadishu, sida Guddiga uu sheegay.

Labada qodob ayaa waxaa ay kamid ahaayeen afarkii qodob ee Guddigii wada-jirka ee dhammeystirka xeerarka doorashooyinka Qaranka, ay usoo gudbiyeen baarlamaanka Soomaaliya.

Hassan Istiila
[email protected]

Warar kale oo la xiriira