Warar 

Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo Sanadka 1441Hijriga. Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafo oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta danta guud iyo midnimada dadka muslimiinta ah. “Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmihii gudashada waajibaadka Xajka, iyada oo ay tahay in aan badino Alle bariga, is-cafinta iyo sadaqada”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Xukuumadda oo meel marisay 5 xubnood oo kamid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka iyo xubnaha Maamulka Hey’adda Batroolka

Shir ay yeesheen golaha wasiirrada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyay shanta xubnood ee bannaanka ka imaanaya oo kamid noqonaya golaha adeegga garsoorka dalka. Xubnaha goluhu ansixiyay ayaa kala ah Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil Aw-xaashi, Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis), Cabdullaahi Cali CIsmaan, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Cadaani) iyo Ifraax Maxamuud Cumar shirka oo uu guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu ansixiyay sideed xubnood oo kamid ah 9-ka Xubnood ee Maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed. Xubnaha maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed ee goluhu meel…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Warar 

“Sharciga la dagaallanka Burcad-Badeedka waxaa laga soo qoray Xalane oo ma ahan mid Soomaali ay leedahay”

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay (Arbaco) akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dib-u-eegista Sharciga la dagaallanka Burcad-Badeedka oo ka hortaga af duubka ee Sharciga LR. 36 April 1975. Sii hayaha wasiirka wasaaradda cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, ayaa baarlamaanka u akhriyay sharciga, isla-markaana ka jawaabay su’aallaha xildhibaannada ay ka qabaan sharciga. Xildhibaan Cabdi Ali, ayaa sharciga baarlamaanka la keennay ku qeexay in uu yahay sharci laga soo qoray Xalane, islamarkaana uusan aheyn sharci Soomaali leedahay oo ka hadlaya arrin Soomaaliyeed ama wasaarad ka yimid. Marka burcad-badeed la qeexayo waxaa…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur-Galbeed iyo Wasiirka Shaqada oo barnaamijka Baxnaano ku daah-furay magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Amb. Dr. Ali Said Faqi ayaa shalay magaalada Baydhabo ku daah-furay kulan ku saabsan heerka howlgalka barnaamijka Baxnaano iyo daah-furka Barnaamijka caawinta qoy’saska Anyaxu saameeyey ee ku nool deeganada Koonfur galbeed Soomaaliya. Daah-furka barnaamijkaasi waxaa qeyb ka ahaa sii hayaha wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Warfaa, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowlad Goboleedka KGS, Mdne. C/qadir Cumar Cabdullahi (Baasto), Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS, Maamulka Gobolka Baay, qaar ka mid ah agaasimiyaasha wasaradaha DGKGS…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka Puntland oo maanta ka dooday dib-u eegista Xeerka Isgaarsiinta Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir-guddoominayay fadhiga 29-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa Dib-u eegista Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo ay soo gudbiyeen Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL. Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa loo qeybiyay Xeerka Isgaarsiinta DPL oo lagu soo saaray faafin rasmi ah Bishii Dec 25, 2007. Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa Golaha Wakiillada DPL ansixiyeen…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay Sharciga la dagaallanka Burcad-Badeedka

Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka 20-aad ee Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Fadhigii maanta ayaa ajandihiisa waxaa uu ahaa akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka dib-u-eegista Sharciga la dagaallanka Burcad-Badeedka oo ka hortaga af duubka ee Sharciga LR. 36 April 1975. Ajandaha kala ee kulanka maanta ayaa ahaa akhrinta 2-aad ee dib-u-egista miisaaniyadda 2020. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa Golaha Shacabka uga jawaabay su’aalo la xiriira miisaaniyadda, waxaana wasiirka uu dalbaday in Golaha uu mar kale kusoo…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo akhrinta koowaad marsiiyey wax-ka-baddelka xeer-hoosadka Barlamanka

Golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya oo shalay yeeshay kalfadhigii 1-aad kulankiisa 10-aad ayaa Akhrinta koowaad Marsiiyey Wax kabedelka Xeer hoosadka Barlamanka Koonfur Galbeed. Kulan maanta waxaa soo xaadireen ilaa iyo 62 xildhibaan waxaa dhammaan loo sharaxay qodobadda wax ka bedelka lagu sameeyay iyo qodobada ka haray xeer hoosaadka oo loo bahanayhay in laga dodo. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koofur-galbeed Soomaaliya Amb. Cali Saciid Faqi ayaana Shir Guddoomiyay kalfadhigii 1-aad kulankiisa 10-aad waxaana soo xaadirey kulanka 62-Xildhibaan . Guddoomiye Cali saciid Faqi ayaa xildhibaanada u sheegay in maalinta beri ah…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo maanta la hor-keenayo akhrinta kowaad ee wax-ka-baddelka Sharciga Burcad Badeedka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta la hor-keeno akhrinta kowaad ee wax-ka-badelka Sharciga Burcad Baddeedka iyo dib u-eegista miisaaniyadda dalka ee 2020-ka. Golaha oo ku kulmaya xarunta ku-meel gaarka ee Barlamaanka Jamhuuriuadda Federaalka Soomaaliya ee Villa Hargeysa ayaa dood adag ka yeellanaya labada sharci, gaar ahaa dib-u-eegista miisaaniyadda. Golaha wasiirrada ayaa 31-kii octobar ee sannadkii 2019 kii cod aqlabiyad leh ku-meel-mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $469.5 Milyan. Halkan kala soco kulanka Golaha…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Warar 

Akhriso: Maxey ka wada-hadleen Guddoonka Golaha Shacabka iyo Hoggaanka Madasha?

Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran, waxaa caawa kulan ku yeeshay hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Golaha Shacabka.  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BF C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa kulan la yeeshay caawa hoggaanka sare ee MXQ, gaar ahaan Madaxweyneyaashii hore Mudane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud. Kulanka  ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen, sidii loo maarayn lahaa xaaladda kala guurka ah ee Dalku marayo iyo qabsoomidda Doorasho ku dhacda…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Warar 

Beesha Caalamka oo walaac ka muujiyay arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka, ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed ay ku muujinayaan walaacooda ku aadan arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee Barlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Baarlamaanka uu maanta kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra’uusul wasaare Xasan Cali Kheyre. Gudoomiyaha golaha shacabka oo warbaahinta la hadlay kaddib kulankii Golaha ee todobaadkan ayaa sheegay in cod la qaaday ka dib 170 xildhibaan ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda Xasan cali Kheyre halka ay diideen…

Akhriso Faahfaahinta