Aragti Baarlamaanka Warar 

Saciid Deni “Waxaan soo dhoweynayaa baaqii Baarlamaanka, kamana qeyb-gelli doonno shirka uu ku baaqay Farmaajo”

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in uusan ka qeyb-gelli doonin shirkii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo,  isaga oo tix-gellinaya baaqii Baarlamaanka Puntland ee ku saabsanaa in aanu ka qeyb gelin Shirka.

Mudane Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda maamul-gobolleedyada ku casuumay shir ka dhacaya 5-ta bisha July magaalada Mogadishu, kaas oo looga hadlayo arrimo badan oo ku saabsan doorashooyinka.

“Waxaa soo dhoweynayaa baaqii ka soo baxay Baarlamaanka Puntland, waxaa ku shaqeyn doonnaa taladooda, anigoo ixtiraamaya hey’adaha dastuuriga ee Puntland”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in doorashada Soomaaliya ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, waxaana uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu iska ilaaliyo boor isku qarinta uu sida xun wax u doonayo oo aanu iska horkeenin Shacabka walaalaha iyo Xildhibaannadii fursada siiyay inuu Madaxweynaha ku noqdo.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni, ayaa hadalkaasi xalay ka sheegay Munaasabadda 1-da Luulyo ee 60-guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada Koofureed ay xornimada ka qaateen Gumeystihii iyo Midowgii Gobolada Waqooyi iyo Koofur.

Warar kale oo la xiriira