Aragti Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay xisaab-xirka 39 Xildhibaan

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir-guddoomiyay fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta waxaa goob-joog ah 41 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah soo gudbinta Warbixinta Xisaab-xirka 2019 ee Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL ee gacanta ku hayey xisaab-xirkii sannad-maaliyadeedka 2019 oo Guddiga ku sameeyay akhriskii 2aad.

Ka dib Tallo-soo jeedinta Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL waxaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 39 Xildhibaan, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan mana jirin cid diiday.

Dhanka kalena, waxaa maanta  Xildhibaanadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland loo qeybiyay Wax-ka bedelka xeerka Dawladaha Hoose ee Puntland (Law Number 7).

Warar kale oo la xiriira