Aragti Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo ka dooday hindise-sharciyeedyada ku-noqoshadda Miisaaniyadda 2020 iyo Socdaalka

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Shiekh Ibraahim Muudeey, ayaa maanta shir-guddoominayay kulankii 13-aad ee Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka. 

Kulankii maanta oo ay soo xaadireen 140 xildhibaan ayaa ajandayaashiisu ay kala ahaayeen akhrinta 1-aad ee ku noqoshada miisaaniyadda sannadka 2020 iyo akhrinta koowaad ee hindise-sharciyeedka socdaalka.

Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Islow Ducaale oo Baarlamaanka u akhrinayay hindise-sharciyeedka socdaalka ayaa sheegay in ujeedka hindise-sharciyeedka uu yahay, nidaaminta hab-raaca quseeya socdaalka sida soo gellista, ka bixida, joogista iyo degista dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hindise-sharciyeedka socdaalka ayaa ka kooban 9 cutub oo usii kala baxaya 47 qodob.

Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda Mudane Beyle, ayaa sheegay in saddex arrimood ay ku dirqisay in miisaaniyadda ay kusoo celiyaan baarlamaanka, waxaanna saddexdaasi arrimood uu ku kala sheegay, COVID-19, geeddi-socodka deyn cafinta iyo fatahaadaha.

Sharciyadan labada ah, ayaa lagu wadaa in akhrinta u dhiman ay sii socdaan todobaadkan.

Hassan Istiila 

[email protected] 

Warar kale oo la xiriira