Aragti Baarlamaanka Warar 

Al Shabaab oo dilay xildhibaan ay gaari kala degeen

Xarakada al Shabaab ayaa sheegay in ay maanta barqadii afduubteen, kaddibna ay dileen xildhibaan Maxamed Maxamuud Xuurshe oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanka ayaa lagala degay, gaari uu saarnaa oo marayay inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar. Waxaa wararka ay sheegayaa in gaarigii uu la socday marxuumka uu kusoo jeeday magaalada Mogadishu.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cusmaan Barre, ayaa sheegay in aysan wali gacan ku heynin meydka marxuumka, isla markaanna kooxda ay duurka la galeen marxuumka markii ay afduubteen.

Xildhibaanno ka tirsan federaalka iyo kuwa maamul-gobolleedyada ayaa isku mid u cambaareeyay falka lagu dilay marxuumka.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka geysta inta u dhexeysa degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Halkan kala soco wixii kusoo kordha…

Warar kale oo la xiriira