Aragti Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise-sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimadka Qaranka

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Shiekh Ibraahim Muudeey, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 14-aad ee Kalfadhiga 7-aad ee xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.  

Ajendaha kulanka ayaa kala ahaa u Codeynta Hindise-sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka iyo Akhrina labaad ee Hindise-sharciyeedka Qareennada Soomaliyeed. 

Kulankii maanta waxaa uu ku furmay 143 Mudane, waxaana sidii caadiga ahyed ay bilaabeen dooda ajandaha kulanka.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa dood kaddib, ansixiyey Hindise-sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimadka Qaranka, waxaana sharcigaasi u codeysay oo oggolaatay 137 Mudane, waxaa ka aamusay hal xildhibaan, waxaana sharcigaasi diiday shan Mudane.

Guddomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in sidaasi uu ku ansaxay Hindise-sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimadka Qaranka. 

Xildhibaannadda ayaa intaasi kaddib, guda-gallay dooda ajandaha labaad, waxaana mudanayaaasha la  filayaa in maalmaha soo socda ay go’aan ka garaan Akhrina labaad ee Hindise-sharciyeedka Qareennada Soomaliyeed. 

Warar kale oo la xiriira