Aragti Baarlamaanka Warar 

Maamul-gobolleedyada oo yeelanaya kulan deg-deg ah oo ay ka maqantahay dowladda federaalka

Madaxda maamul-gobolleedyada kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koofur Galbeed oo shir dhinaca khadka telephone-ka uu dhex maray, ayaa soo saaray war-murtiyeed ay ku faah-faahiyeen waxyaabihii ay ka wada-hadleen. 

Madaxda ayaa isku raacay in shir deg-deg ah la isugu yimaado 9-ka bisha July oo ku beegan khamiista, kaasoo looga tashanayo arrimaha masiiriga ee dhanka siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka.

Shirka oo ay ka maqnaan doonto dowladda federaalka ayaa lagu qaban doonnaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. 

Dhinaca kale shirka, waxaa looga tashan doonnaa shir ay isugu imaan doonnaan dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada.

Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo lagu wadday in magaalada Mogadishu uu ka dhaco Axadii lasoo dhaafay ayaa u baaqday khilaaf madaxda soo dhex-gallay. 

Hassan Istiila

[email protected]

Warar kale oo la xiriira