Aragti Baarlamaanka Warar 

Madasha Xisbiyada oo war ka soo saaray kulankii Guddoonka Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim (Muudey) ayaa xalay xarunta Madasha Xisbiyada kula kulmay Madaxweynayaashii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Hoggaanka Madasha ayaa ujeedka shirka ku sheegay in xaaladda dalka la iska wareysto, gaar-ahaan in Guddoonka Golaha Shacabka uu warbixin la wadaago Madasha Xisbiyada Qaran.

Dhinaca kale Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ujeedka kulanka ku sifeeyay wada-tashiga arrimaha doorashooyinka soo socda ee dalka Soomaaliya.

“Intii kulanka uu socday waxyaabihii sida gaar ah looga hadlay waxaa kamid ahaa baahida loo qabo inay wakhtigooda ku dhacaan doorashooyinka, ayna noqdaan doorashooyin laga wada-tashaday loona dhan yahay, keeni kara nabad iyo horumar loogana gudbi karo xaaladda adag ee dalku uu ku jiro, isla markaana ay jirto mabaadii guud iyo dammaanad lagu xaqiijinayo arrintaas”.

“In wada hadallada la sii wado si’ is faham buuxa looga gaaro arrimaha doorashooyinka, sidaasoo kale waxaa laga hadlay dhinacyada muhiimka u ah doorashooyinka in dadaal xooggan le geliyo sidii loogu qancin lahaa oo loogu waajihi lahaa doorashooyinka aragti mideysan oo dhalin karta kalsooni, sharciyad iyo taageerada shacabka”.

 

Warar kale oo la xiriira