Aragti Baarlamaanka Falanqeyn Warar 

Madaxweyne Deni oo eedeeyn xooggan u jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo jeedinayay khudbada hadal-jeedinta bisha, ayaa ka hadlay xaaladdaha guud ee dalka Soomaaliya, gaar ahaa doorashooyinka, khilaafka madaxda dowlad-gobolleedyada iyo shirka dhawaan ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb.

Mudane Dani, ayaa sheegay in ay jabinayaan Dastuurka dadkii loogu tala-galay in ay ilaaliyaan Dastuurka, taas oo abuuri karta in bulshada Soomaaliyeed ay iska hor-imaadaan.

“Waxaa la yaab leh in guddomiyaha golaha shacabka ee Baarlmaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh, uu yiraahdo sharciyada doorashooyinka ma khuseeyaan golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka, annagaa axsaan u sameyn jirnay oo u yeeri jirnay, waa hadal jira oo duuban”, ayuu yiri.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in labada gole ee Baarlaamaanka ay yihiin kuwo iskorjoogteynaya, sidaas darteedna hadalka guddoomiyaha uu ka hor imaanayo dastuuurka dalka, waxaana sidoo kale uu ku eedeeyey xukuumadda wada shaqeyn la’aanta golaha aqalka sare oo ah mida ugu muhiimsan sida uu hadalka uu u dhigay.

“Waxaan ka xumahay guddoomiye Mursal oo saaxiibkay ah, oo muddo dheer aan isnaqaanay in fahamka nuucaas ah in maskaxdiisa ay ku jirto iyo inuu dano kale leeyahay garan maayo, aqoon darro ayaa u geysay oran maayo oo kuma tumaayo, laakiin inuu sidaas u fahmo oo dadka uu la hadlaayo uu moodo dad aan waxba kala garaneyn, maxaa yeelay Baarlamaanku waa labo aqal, hoose iyo mid sare, oo iskorjoogteynaayo, xeerarka waxaa ay ka imaan karaan Baarlamaanka, waxaa ay ka imaan karaan kan sare, waxaa ay ka imaan karaan xukuumadda ama waxaa ay ka imaan karaan dadweynah” ayuu yiri madaxweynaha”.

“Xeerarka markii la ansixinaayo waa in aqalka sare loo soo gudbiyaa uu wax kabedelaa, ama sidiisa ku waafaqaa oo markaas kadib la celiyaa, oo madaxweynaha uu ku soo saaraa faafin rasmiya. Xeerar maalmo dhoweed aad loo sameynayey oo aan habraacii dhan aan marin, in ay mari waayaan mararka qaarkood, haddii siyaasad loola jeeda marmar waa la sameeyaa , hadana la la soo indho adag yahay loogama baahna aqalka sare in la yiraahdo. Xukuumadda uu goggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan ka aragnaa hab la dhaqan aan wanaagsaneyn aqalka sare, oo weliba ah aqalka ugu muhiimsan marka laga hadlaayo dowladda federaalka, maxaa yeelay aqlka sare waa aqalka matalo dowlad goboleedyada” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa khilaaf aad u xooggan waxaa uu kala dhexeeyaa dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaa lagu eedeeyaa maamulka Puntland in uusan u dhaqmin sida maamul-gobolleedyada kale.

Hassan Istiila
[email protected]

 

Warar kale oo la xiriira