Aragti Baarlamaanka Warar 

Madasha Xisbiyada Qaran oo ku howlan xalka khilaafka Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa koowaad Mudane Mudeey.

Kulanka ayaa daba-socday kulan hoggaanka Madasha shalay ay la yesheen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeenkiisa koowaad Abshir Bukhaari.

Kulankii maanta ee Guddoonka Aqalka Hoose iyo Madasha, ayaa noqonaya kulankii afaraad oo muddo bil gudaheeda dhex mara labada dhinac. 

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa dib-u-heshiisiinta Guddoonka Labada Aqal oo khilaafka uu ka dhexeeyo.

Madasha ayaa dooneysa in dib ay usoo noqoto wada-shaqeynta Labada Gole, xili dalka uu galayo xaaladdo doorasho, ayuu yiri Senator Ilyaas Hassan. 

Golaha Aqalka Sare ayaa ku eedeeyay Aqalka Hoose in uusan soo marsiinin sharciyaha uu ansixiyo Golaha Shacabka, taasina ay horseeda khilaafka cusub. Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa todobaadkii hore sheegay in sharciyaddii Doorashooyinka ee Golaha Shacabka uu ansixiyay dhammaantood la bedelay oo aysan aheyn kuwii ay kasoo shaqeyeen guddigii wada-jirka ahaa.

Aqalka Sare oo maalmihii la soo dhaafay aan xiriir wanaagsan kala dhexeynin Golaha Shacabka ayaa sharci darro ku tilmaameen qoraalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka u diray Wasaaradda Dastuurka ee ahaa qaraarka Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, iyagoo sheegay in qoraalkaas uu xadgudub ku yahay habraaca xeer dejinta dalka ee ku qeexan Cutubka 6aad madaxa afaraad ee Dastuurka KMG

Warar kale oo la xiriira